Wadada isku xirta Isgoyska KM4 ilaa Air Porka ayaa dhagaxyo waa weyn la dhigay, iyadoo taas looga gol leeyahay in lagaga gaashaanto weerarada Al-Shabaab ku qaadaan xarumaha ku yaala iyo wadadaas oo muhiim u ah isticmaalkeeda mas’uuliyiinta dowladda iyo AMISOM.
Dhageyso Wasiirkii Hore Arrimaha Gudaha C/samad haatana ah xildhibaan ka tirsan barlamaamka Somalia oo ka hadlaaya arrintaan [audio:http://saadaalnews.com/wp-content/uploads/2013/08/Xildhibaan-C_samad-M.Maxamuud-oo-cambaareyey-dhagaxyada-Waddooyinka-qaar-Muqdisho-lagu-xiray-.mp3]
Wadada ayaa lagu gooyay dhagxaan waa weyn, waxaana loo diiday inay maraan gawaarida BL ee dadweynaha, kaliya gawaarida mas’uuliyiinta ay adeegsadaan iyo kuwa hey’adaha ayaa loo ogol yahay.
Marka aad mareyso wadada waxay kugu qaadaneysa saacado inaad ku gaarto Air Porka ama halkii aad dooneysay, waxaana dhinacyada wadada la dhigay dhagxaan shub ah, iyadoo qeyb dhan wadada ay ku wareegsan yihiin dhagxaan.
Arrimahan oo maalmihii u dambeeyay ahaa mid aad loo hadal hayay ayaa waxaa walaac ka muujiyay shacabka Muqdisho, iyagoo qaarkood sheegayay in Muqdisho ay ka baxday xilligii dhufeysyada aheyd.
Wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha C/samad Macalin Maxamuud ayaa sheegay in aanay habooneyn in wadooyinka lagu xiro, isla markaana loo baahan yahay in isgoys walba la dhigo ciidamo, si ammaanka loo sugo.
“Xiligii Muqdisho ay kala xirneyd waa laga baxay, ma ahan wadooyin dhagax la dhigo in lagu sugi karo ammaanka, waxaa muhiim ah in wado walba ciidan la dhigo”ayuu yiri Xildhibaan C/samad.
Sidoo kale xaafadaha ku dhow dhow Air Porka ayaa iyana la dhigtay jidcadayaal, waxaana xirtay hey’ado kala duwan oo saldhigyo ku leh agagaaraha garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Hey’adaha ammaanka ayaa ku tilmaamay tallaabadan mid lagu xaqiijinayo ammaanka, laguna baajin karo weeraro is qarxin ah.
Wadada isku xirta Garoonka diyaaradaha iyo Isgoyska KM4 ayaa waxaa ku yaala xarumaha Hey’adaha Qaramada Midoobey, Hotelo iyo xarumo la sheego inay ku howl galaan Hey’ado Sirdoono shisheeye ah.
Idale News Online