Wada hadaladii Nabada ee Suuriya oo la hakiyay

0
210

Syria(INO)— Wada hadaladii Nabadda Suuriya ee lagu soo afjarayo colaada shan-sano jirsatay ee dalkaas ka socda ayaa hakad galay, iyadoo Qaramada Midoobey ay sheegtay in si KMG ah loo hakiyay.

Wada hadaladan oo ka socday magaalada Geneva ayaa waxaa isugu imid dhinacyada isku haya Suuriya, Qaramada Midoobey iyo xubno matalaya dowladaha isha ku haya xaalada dalkaas.

Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Suuriya Staffan de Mistura ayaa sheegay inuu rajo ka qabo in wada hadalada Geneva in dib la isku soo laaban doono 25-ka bisha Febraayo.

Mr Mistura ayaa ku adkeysanaya in aanu guuldareysan wada hadalada, isla markaana loo baahan yahay in labada dhinac ay dadaalo dheeraad sameeyaan.

Sababaha uu dib ugu dhacay wada hadalada ayaa lagu tilmaamay in qeyb muhiim ah oo ka mid ah garabka Mucaaradka ay diideen inay wada hadalada ka qeyb galaan.

Xubno ka tirsan Mucaaradka ayaa dalbanaya in ugu horeyn uu joojiyo Ruushka duqeymaha uu ku wado Suuriya, lana joojiyo go’doominta deegaanada mucaaradka gacanta ku hayaan.

Ruushka ayaa bishii September ee sanadkii hore bilaabay duqeymo ka dhan ah Mucaaradka iyo kooxaha kale kacdoonka, waxaana Ruushka lagu eedeeyay inuu beegsanayo mucaaradka ay aqoonsan yihiin Beesha Caalamka.

Idale News Online, Syria

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here