Istanbul(INO)-Wararkii ugu dambeeyey oo aan ka helnay Hotelka ay degan yihiin Madaxda ka socota dawladda Faderaalka ee Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland ayaa sheegaya in uu shirkii la doonayay in uu dhexmaro labadaas dhinac, ay yar tahay rajada laga qabo, isla markaasna goor dhaw la filayo in uu soo baxo warsaxaafadeed lagu sheegayo in aysan labada dhinacba diideen tanaasulaad dheeraad ah.
Ergada Somaliland ayaa diiday in ay la fariistaan wafdiga dawladda Soomaaliya inta ay ku jiraan wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dawladda Soomaaliya.
DF ayaa dhankeeda goor dhaw soo saaraysa bayaan rasmi ah oo ku aadan arrimaha labada dhinacba, waxa ayna sheegi doontaa in ay Somaliland diiday wada hadalka.
Dawladda Turkiga ayaa ka daashay arrimaha labada dhinac, waxa ayna Saraakiisha Turkiga hada ucaalwaayeen xaalada labada dhinac oo degan hal Hotel, isla markaasna si wanaagsan isku gacan qaadaya hadana u kaftamaya oo hadana diidan in ay hoolka shirarka galaan.
Idale News Online, Istanbul.