Waa maxay sababta Dowladda Somaliya u xirtay General C/laahi Xasan Bariise?

0
273

Taliska Booliska ee Dowladda Federalka ee Soomaaliya, ayaa wuxuu xabsi guri geliyay Taliyaha Hogaanka Saadka ee Ciidamada Booliska ee Soomaaliya General C/laahi Xasan Bariise.

Jen.-Cllaahi-Xasan-Bariise-oo-xabsi-guri-lugu-soo-rogeyMasuulkaan waxaa la amray inuusan ka soo bixi karin gurigiisa ilaa amar dambe, isla-markaana aysan jirin wax shaqo Dowladeed ah oo uu qaban karo, mudada uu xabsi guriga ku jiro.

Taliyaha Hogaanka Saadka ee Booliska, ayaa intii aan weerarka lagu qaadin Xarunta Golaha Shacabka la faray, in uu hub iyo rasaas uu siiyo 107 askari ka hawlgasha Xarunta Golaha Shacabka, oo ay hub ka heysatay 45 oo kaliya.

General C/laahi Xasan Bariise oo warqad ay kaga timid Taliyaha Ciidamada Booliska ee Somaliyeed General C/xakiin Daahir Saacid, ayaa waxaa lagu amray in uu hubeeyo 62 askari, oo aan wax hub ah haysan, balse uusan taasi ka jawaabin.

General Bariise, ayaa waxaa gurigiisa ilaalo ka haaya Ciidan gaar ah oo ka tirsan Booliska Dowladda Soomaaliya, kuwaa oo la amray in ay ka horjoogsadaan in uu ka baxo gurigiisa.

Idale News Online, Muqdisho.