Muqdisho (INO) – 11-kii bishaan waxaa magaalada Muqdisho ka dhacday doorasho aad loo wada sugayey oo loogu tartamaayey jagada Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana ku tartamay afar musharax oo kale ah; Maxamed Cusmaan Jawaari, Cabdirashiid Xidig, Cabdifataax Geeseey iyo Idiris Dhakhtar.
Afarta Musharax waxaa la wada tuhunsanaa sababaha mid walba ku soo qaaday in uu raadsado jagadaas, Haddii aan si gaar ah u soo qaadano Xildhibaan Cabdirashiid Xidig waxaa loo sababeeyey:
In uu buuxiyo qaybsigii saamiga Soomaalidu ku heshiisay 4.5-ka ay horey u qaadan jireen Beesha Digil iyo Mirif, si beesha uu ka dhashay ee Daarood ay u lumiso hankeedii ahaa mid ahaan Madaxweyne ama Wasiirka koowaad, taladaas oo la rumeysnaa inuu soo hindisay Shariif Xasan Sheekh Aadan. Xiddig ayaa waxaa sidoo kale lala xiriiriyaa dowladda Ethiopia.
Si kastaba ha ahaatee, doorashadaas waa looga adkaaday Cabdirashiid Xidig, waxaana ku guulaystay Xildhibaan Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, oo noqday Afhayeenka Baarlamaanka cusub ee afarta sano oo soo socoto haddii eebe idmo.
Arrintaas ayaa soo geba gebeysay damacii Shariif Xasan Sheekh Aadan ee ahaa inuu dalka madaxweyne ka noqdo, waxaana lagu warramay inuu aad uga carrooday.
Xog gaar ah ayaa sheegeysa in Shariif Xasan uu 12-kii bisha guda galay qorshihiisa labaad (Plan B), isaga oo kulan ugu yeeray ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid, oo uu ballan qaaday inuu ka taageerayo sidii uu madaxweyne ku noqon lahaa.
Sida aan xogta ku helnay Shariifka waxa uu Cumar u ballan qaaday in uu siin doono codadka 69-ka xildhibaan ee Koonfur Galbeed oo uu sheegay in ay isaga wax ka maqlaan. Taa beddelkeeda ayaa Shariifka uu awood ballaaran ku yeelan doonaa dowladda cusub, haddii lasoo doorto Cumar.
Ugu Dambeyntii, Ballan-qaadka ka yimid Shariifka ayaa ka dhigeysa Cumar Cabdirashiid inuu hadda ka mid yahay musharaxiinta ugu cad-cad, waxaana suurta gal ah in 60 illaa 80 xildhibaan codadkooda uu helo wareegga koowaad ee doorashada.