Muqdisho(INO)-Shaki kuma jiro in cid kasta oo madax ka noqoto wadan soomaaliya oo kale ah in ay horyaalaan dhibaatooyin aad u fara badan oo ay tahay in uu wax ka qabto,hase yeeshee xili dowladeedka waqtiga maalulkaas haysto oo aad u kooban ayaa qasab ka dhigaya inuu xooga saaro arimaha leh mudnaanta 1aad, aniga oo taas maanka ku hayo ayaan waxaan isku dayayaa in aan si kooban u tilmaamo arimaha leh mudnaanta ugu horeysa oo ay tahay in maamulka madaxwayne farmaajo uu xooga saaro 4 sano ee soosocota.
Amaanka:
Cidane muran kama keeni karto mudnaanta 1aad in uu leeyahay amaanku, sidaa awgeed waa in maamulka madaxwayne farmaajo ugu horeyntii xooga saaraa hagaajinta laama aminiga, dibne loo eegaa qaab dhismeedkooda iyo hanaankooda shaqo, tusaale ahaan waa in la kala gartaa shaqooyinka ay kala leeyiihn nabadsugida iyo booliska, sidoo kale amaanku waa in uu miisaaniyada dowlada ku yeeshaa qeyb libaax leh.
La dagaalanka musuq-maasuqa
Somali waxay safka hore kaga jirtaa wadamada uu ka jiro musuq-maasuq baahsan oo dhinac walbo leh, si heerka aan ka taaganahay dhinaca musuq-maasuqa loo yareeyo, waa in maamulka madaxwayne farmaajo uu qaadaa talaabooyinkan:
- In si dhaqso ah loo dhiso gudiga la dagaalanka musuq-maasuqa
- In la soo saaro sharciga la dagaalanka musuq-maasuqa
- In shaqaalaha dowlada si cadaalad ah oo daah furan loo qaato
- In cidii madaxda dowlada ka mid ah ee lagu helo musuq-maasuq dambigaas lagu maxkamadeeyo.
Dhameystirka dib’ueegista dastuurka
Dhameystirka dib’ueegista dastuurka ama qabya tirka dastuurka waxay ka midtahay arimihii uu bilaabay maamulkii madaxwayne Xasan Sh. Hase yeeshee wali qabyo ah oo aan la dhameystirin, maamulka madaxwayne Farmaajo waxaa looga fadhiyaa in ay arintaas dardar geliyaan, kana mira dhaliyaa, kuna dadaalaan in mudda xileedkooda ay ku guuleystaan sidii afti qaran loogu qaadi lahaa dastuurka.
Cadaalada iyo garsoorka
Maamulka madaxwayne farmaajo waa in ay mudnaanta siiyaan sidii wax wayne looga badali lahaa heerka uu hada taagan yahay garsoorka dalka, lana dhiso gudiga adeega garsoorka iyo maxkamadda dastuuriga ah, dhanka kalane waa in garsoorka gacan lagu siiyaa sidii uu u bixin lahaa adeeg garsoor oo hufan, miisaaniyada dowladane laga siiyo qeyb mug leh, waxaa kale oo muhiim ah in hoosta laga xariiqo in garsoorka loo madaxbanayo adeega uu bixinayo, la siiyo madaxbanaani dhameystiran.
Hurumarinta iyo dhaqaalaha
Maamulka madaxwayne farmaajo waxaa looga fadhiyaa in ay mudnaan siiyaan kaabayaasha dhaqaalaha isla markaane ay dhiira geliyaan maal gashiga shisheeyo tusiyaane maal-gashadayaasha shisheeyaha ah in soomaaliya ay tahay goob lagu aamino karo in la maal gashado.
Kalsoonida maal gashadayaasha shisheeyaha ah waxaa lagu heli karaa in la sameeyo sharci u damaanad qaadayo xuquuqda ay rabaan in ay ka helaan wadanka ay maal gashahayaan, iyo in ay helaan garsoor cadaalad ah oo loo siman yahay oo ay u dacwoon karaan.
Ugu dambeyntii waxaan u arkaa in ay muhiim tahay in maamulka madaxwayne Farmaajo ay xooga saaraan ama mudnaanta 1aad siiyaan 5 arimood ee aan soo xusay.
AVV. Daahir maxamed Cali