Waa kuwee xildhibaanada maanta ugu qiimaha badan Muqdisho?

0
205

Muqdisho (INO) – Wararka aynu ka heleyno Hote-lada Muqdisho ee ay ka socdaan ololaha ugu xoogan ee loogu jiro doorashada madaxweynaha Somalia ayaa sheegaya in xildhibaanada laga soo doortay Jubbaland ay yihiin kuwa aad codadkooda loogu baratamayo xalay illaa maanta.

Waxaa lagu soo waramaya in lacago badan loo soo bandhigay, qaar ayaa loogu yaboohay xilal muhiim, hadii ay codkooda bixiyaan, waxaana jira wali xildhibaanada Jubbaland qaar oo aan meelna raacin kuwaas oo lacag badan loola taagan yahay codkooda.

Arintaan markii aan ka war helnay waxaan raadinay sababta ay sidaan qaali ugu noqdeen xildhibaanada Jubbaland.

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka 10 aad ee Somalia oo laga soo doortay Jubbaland ayaa u sheegay Idale News Online in xildhibaanada Jubbaland ay yihiin kuwa qura ee u madax banaan codkooda oo uusan fara galin ku heynin madaxweynaha maamulka goboleedka Jubbaland.

Axmed Madoobe waa madaxweyne Goboleedka qura ee ka maqan Muqdisho marka la eego madaxda maamul goboleedyada Somalia, xildhibaanada Jubbaland ayaa sheegay inuu Axmed xor uga dhigay cida ay dooranayaan.

Waxaa jira warar hoose oo sheegaya inuu Axmed Modoobe siyaasad ahaan ku qanacsan yahay inuu Xasan Shiikh soo laabto laakiin uusan cadaadis ku hayn xildhibaanada Jubaland.

Dalaaliinta siyaasada Somalia ayaa saaka kulamo joogta ah la qaadanaya xildhibaanada Jubbaland madaama aysan jirin madaxweyne goboleed loo soo maraayo oo diyaar u ah inuu qasbo.

Waxyaabaha kale ee xiisaha leh waxaa ka mid ah in uu wali Axmed Madoobe ka dhiibo hotel-ada iyo cuntooyinka taas oo meesha ka saartay in baahidooda laga faa’iideysto.

“Madaxweyne Axmed Madoobe lacag ayuu nasiiyay, hotel-ada isagaa naga bixiya ilaa hada waxaana uu nagu yiri cidii aad u aragtaan iney dalka dani ugu jirto u codeeya , hada anaga ayaa go’aan ka gaareynaa shaqsiga aan u codeyn doono iyo waxa aan ku xulan doono ayuu yiri xildhibankaan oo diiday inaan magaciisa shaacino.

Codadka xildhibaanada qaraa ayaa saaka maraya illaa 100,000 (boqol kun) oo dollar.