Waa Kuma Musharaxa ugu Cad cad ee la filayo in Maanta loo Doorto Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed?

0
186

Baydhabo Janaay(INO)-Waxaa Maanta la fiayaa Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay in ay ka dhacdo doorasho lagu dooranayo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee ka kooban Sadaxda Gobol Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose.

Shir sharci ahaanshihiisa dood ka taagan tahay Mudooyinkii dambana kasocday Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa maanta la filayaan in gabo gabadiisa lagu doorto Madaxweynaha uu yeelanayo Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Doorasada Maanta Baydhabo ka dhaceysa waxaa ugu cad cad oo la saadaalinayaa in Madaxweyne loogu doorto ninka iska lahaa fikirka Qorshahan maamul Koonfur Galbeed lagu dhisayo ee Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan .

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ah nin saameyn badan ku leh Siyaasada Dalka Soomaaliya , waxa uuna hada rajeenayaa in uu madaxweyne ka noqdo Maamulka Koonfur Glabeed Soomaaliya ee ka kooban Sadaxda Gobol si uu Mustaqbalka ugu gor gortamo una sii jirto saameyntiisa Siyaasadeed.

Ergeyda dooraneysa Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa kusii qul quleysa hoolka ay doorashadu ka dhacayso, waxa ayna noo sheegeen Xubno ka qeyb galaya Shirka in uu doorashada ugu cad cad yahay Shariif Xasan loona badinayo in isaga lagu doorto.

Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiyaan ah ayaa s weyn u adkeenaya amaanka goobta ay ka dhaceyso Doorshada maanta, waxaana magaaada Baydhabo si weyn looga dareemayaa doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sadaxda Masuul ee ugu sareysa Dowlada Soomaaliya ayaa horey isugu raacay in gabi ahaan shirkan la hakiyo , waxaana la saadaalinayaa in Doorashada Maanta ee Madaxweynaha Koonfur Galbeed ay abuurto Xiisad Siyaasadeed oo hor leh. 

Waxii Warar ah ee kusoo kordha Doorashada Baydhabo ka dhaceysa kala Soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

Shariif-Sakiin

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo