Muqdisho(INO)— Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Ibraahim Iidle Saleebaan, kadib markii uu xilka ka qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda sare Avv. Ceydiid Ilka-Xanaf, kaasoo xilkan hayay tan iyo xilligii dowladdii KMG aheyd.
Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare Ibraahim Iidle Saleebaan ayaa isla maanta loo dhaariyay xilka Guddoomiyaha, kadib munaasabad ka dhacday Madaxtooyada Villa Somalia.
Ibraahim Iidle Saleebaan ayaa ahaa Garyaqaanka Guud ee Somaliland, kaasoo xilka iska casilay lix maalmood ka hor, iyadoo warqadiisa istiqaalada isagoo ka maqan Hargeysa u gudbiyay Madaxweynaha Somaliland si uu uga aqbalo.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa bishii July ee sanadkii 2011 u magacaabay Ibraahim Iidle Saleebaan Garyaqaanka Guud ee Somaliland.
Wararka qaar ayaa sheegaya in ka hor inta uusan is casilin uu ku wargeliyay Maamulka Somaliland inuu siminaar u aadayo dalka Koofur Afrika.
Magacaabista Ibraahim Iidle Saleebaan waxay maamulka Somaliland ku noqoneysa mid lama filaan ah, maadaama muddo todobaad gudihiis inta uu iska casilay xilkii uu ka hayay Maamulka Somaliland, looguna magacaabay xil sare oo ah Maxkamadda sare ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Ibraahim Iidle Saleebaan ayaa ka soo jeeda Gobolka Togdheer, waxaana ay is xigaan Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland C/raxmaan Cirro.
Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda sare Ibraahim Iidle Suleymaan iyo Guddoomiyihii hore Ceydiid Ilka-Xanaf ayaa labadaba ka soo jeeda Gobolka Togdheer.
Dadka sharci yaqaanada ayaa ku tilmaamaya qaabka loo maray xil ka qaadista Guddoomiyihii Maxkamadda sare Ceydiid Ilka-Xanaf ay tahay mid aan sharci aheyn, sidoo kale waxaa ay ku soo aadeysaa,iyadoo la galay marxalad kala guur, isla markaana dowladda Federaalka ee hada jirta ay u harsan tahay wax ka yar afar bilood.
Idale News Online, Muqdisho