Haddaba waxaa isweydiin leh WAA KUMA FATXULLAAH GULEN?
Waa wadaad ku dhashay dalka Turkiga oo 75 sano jir ah, kuna nool magaalada Saylorsburg, ee Gobolka Pennsylvania ee dalka Mareykanka kadib markii uu dalka Turkiga ka tegay sanadkii 1999-kii. Wuxuu madax u yahay Dhaqdhaqaaq adeegyo badan fidiya oo lagu magacaabo HIZMET oo hore u taageertay xisbiga Cadaaladda iyo Horumarinta ee AK party.
Wadaadkan waa suni u suufi ah oo aamisan yahay fekrado islaami ah oo dhexdhexaad ah, wuxuu ka horjeeda xagjirnimad, wuxuuna la kulmaa madaxda kaniisadaha isahoo sanadkii 1990 tegay Vaticanka oo ay kulan wada yeesheen baadariga u sareeya kaniisada Katooliga Pope Paul II.
Ma jecla saxaafadda, mana ogola inuu la hadlo marka laga reebo marar dhif ah. Saxaafadda Reer Galbeedka waxay ku tilmaantaa wadaad dhexdhexaad ah oo raacsan reer galbeedka.
Dhaqdhaqaaqa Hizmet ee Wadaadkani leeyahay waxay taageertaa boqolaal dugsiyo aan diini ahayn, xaruno caafimaad, ururo gargaaar oo bixiya adeegyo lacag la’aan ah, taasoo u soo jiiday in dad fara badan oo Turki ah soo jiito waxba ka qabto dhibaatooyinkooda.
Dhaqdhaqaaqa Hizmet ee Wadaadaka Fatxullaah leeyahay wuxuu markii hore Ordogan ka taageeray sidii xisbigiisa awooda u qabsan lahaa. Wuxuu leeyahay dad gaaray malaayiin oo raacsan wadaadkan gudaha dalka Turkiga.
Dadka raacsan, hay;adaha maaliyadeed ee uu leeyahay iyo saxaafadiisa waxay soo jiidatay indhaha Mareykanka iyo hay’adihiisa wax baara.
Wadaadkani wuxuu bilaabay inuu su’aal ka keeno hogaanka sii adkaanaya ee madaxweyne Ordogan iyo kelitalisnimada uu la soo baxay, markii arrintani soo baxday oo labada nin ay isku dhaceen waxaa soo baxday eedeyn ku saabsan musuqmaasuq sanadkii 2012.
Xaaladaas ayaa keentay in Madaxweyne Ordogan amar ku bixiyo baaritaan, waxaana olole lagu qaaday saraakiil la sheegay in xiriir la leeyihiin Wadaadka Gulen, waxaa dowladda Turkiga ay ku eedeysay taageerayaasha inay dowlad hoos ka dhiseen dalka Turkiga oo ay doonayeen inay afgembiyaan dowladda sharciga ah ee dalkaasi.
Horaantii sanadka 2014 wuxuu madaxweyne Ordogan ka saaray booqlaal saraakiil iyo ciidamo ka tirsanaa Booliska iyo ciidamada oo taageersan Wadaadka Fatxullaah Gulen. Waxaa kaloo la xiray Warbaahin fara badan oo wadaadkani raacsaneyd.
Loolanka labada dhinac wuxuu cirka isku shareeray markii uu dhacay inqilaabkii dhicisoobay ee dalka Turkiga, waxaana madaxweyne Ordogan uu ku eedeeyay inuu ka dambeeyay Farxullaah Gulen, wuxuuna Mareykanka ka dalbaday in dowladiisa loo soo gacan geliyo Wadaadkan.
Qaar kamida siyaasiyiinta Turkiga oo uu ku jiro wasiir ayaa ku eedeeyay Mareykanka uu hoosta ka taageerayay Wadaadka Gulen, taasoo uu si carro leh uga jawaabay Mareykanka, waxaana wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka uu ka dalbaday Turkiga inuu caddeymo la yimaado.
Wadaadka Farxullaah Gulen ayaa shir jaraa’id oo saxafiyin kooban ka qeyb galeen wuxuu ku beeniyay inuu isagu wax lug ah ku lahaa inqilaabka, wuxuuna ku eedeeyay Madaxweynaha Ordogan inuu isagu maleegay inqilaabka si uu taageero ugu raadsado.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.