Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay inay ku fashilantay howlihii loo igmaday.
Xildhibaannadan oo ka soo jeeda K/Galbeed ee Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Kheyre ay ku fashilmeen arrimaha siyaasadda iyo amniga dalka, waxayna halkaasi ka akhriyeen war-saxaafadeed ay kasoo saareen shirar uga socday magaalada Muqdisho.
Xildhibaan Xasan Cabdi Nuur ayaa war-saxaafadeedka u akhriyey warbaahinta, wuxuuna sheegay in Madaxweyaha iyo xukuumaddiisa ay ku tunteen awood qeybiga beelaha iyo magacaabidda mas’uuliyiinta dowladda, iyadoo ay nasiib darro ku tilmaameen in dowladda Somalia ay joojisay wadahalladii lagula jiray Somaliland.
Waxay intaas ku dareen inay madaxweyne Farmaajo iyo dowladiisa ay ku guuldarreysteen la-dagaalanka argagixisada iyo sugidda amniga, iyagoo waxba ka qaban waayey falalka dilka iyo kufsiga ee ay geystaan ciidamada dowladda, kana dhaca jidka u dhaxeeya Muqdisho iyo Baydhaba.
HOOS KA DAAWO