Masuuliyiin isugu jirta Maamulka demada Baydhabo iyo kan gobalka Baay ayaa maanta waxaa ay olole nadaafadeed oo dib loogu soo celinaayo bilicda ay ka fuliyeen qaar kamid ah xaafadaha Baydhabo gaar ahaan buunadada Isha oo halbowla u ah magaalada.
Gudoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasadda iyo amaanka maamulka degmada Baydhabo Aadan Cali Carab oo ka qeyb qaadanayay olalahan maanta ay sameeyeen maamulka ayaa sheegay in ololahan bilow uu u yahay qurxinta iyo bilicda magaalada Baydhabo.
Carab ayaa sheegay in bulshada iyo maaulka oo isbiirsanaya ay go,antahay hagaajinta iyo dib u soo nooleynta bilicdii ay lahaan jirtay magaalada Baydhabo, asagoona sheegay in tani aysan noqon doonin wax maanta kaliya la qabtay.
Maamulka degmada Baydhabo ayaa wada dadaalo dib loogu soo celinayo bilicda iyo baaxadda magaalada Baydhabo oo mudooyinkii u dambeeyay ay liidatay.
HOOSE KA DAAWO MUQAALKA