Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa farriin u diray dadka K/Galbeed ee Soomaaliya oo dhowaan ay ka dhaceyso doorashada madaxweynaha maamulkaasi.
Mudane Jawaari oo markii ugu horeysay tan iyo intiiuu xilka iska casilay saxaafadda ka soo muuqday ayaa ka hadlay doorashada ku soo fool leh K/Galbeed iyo maamullada kale ee Puntland iyo Jubbaland, wuxuuna ku booriyey in laga fiirsado cidda loo dooranayo madaxda maamullada.
Wuxuu soo hadal qaaday diyaargarowga doorashada Baarlamaanka Soomaaliya oo laba sano gudahood ku dhaceysa, isagoo baaq u dirayu shacabka Soomaaliyeed.