video Baydhabo Lagu Soo Bandhigey Shabakadii Ka Dambeysey Dilka Sheekh Maxamed Dayr

0
189

Ciidanka Booliska Koonfur Galbeed, ayaa waxay caweysnimadii xalay gacanta ku soo dhigeen nin ka tirsan mintidiinta Ururka Al Shabaab, kaasoo ka mid ahaa saddex nin oo habeen hore nin ku dishay Magaalada Baydhabo.

Raggan oo bistoolado ku hubeysnaa, ayaa waxay Masaajid ku yaala xaafadda Towfiiq ku dhex dileen marxuum Sheekh Maxamed Deyr, oo ka mid ahaa Ergadii Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia ku soo dooratay magaaladaasi.

Shacabka deegaanka oo aqoonsaday mid ka mid ah dembiile-yaasha, ayaa xogtiisa la wadaagay laamaha ammaanka, waxaana suurtagashay in gacanta lagu soo dhigo, iyadoona uu sheegay labadii kale ee la socotay.

Sarkaal ka tirsan Saraakiisha Booliska ee Koonfur Galbeed ayaa faah faahin ka bixiyay qaabka ay ugu suurtagashay soo qabashada raggaasi.

Sarkaalkan oo ka gaabsaday magaciisa, ayaa yiri “Ninkan waxaa xalay lagu arkay xaafadda Towfiiq oo ah meeshii lagu dilay Sheekh Maxamed Deyr. Shacabkii Masaajidka ku sugnaa markii uu dilka dhacayay, ayaa Ciidamada Booliska ku soo wargeliyay in ninkaasi uu jooggo xaafadda Towfiiq.”

https://www.youtube.com/watch?v=NVnc-l8NMuE