Video Axmed Madoobe”Dowladda dhexe way ku fashilantay Suggidda ammaanka

0
225

Axmed Maxamed Islaam, madaxweyaha Jubbaland ayaa furay shirka madaxda dowlad goboleedyada oo ka duwan shirarkii hore ee ay yeelan jireen madaxda maamulada.

Axmed Madoobe, oo ay ka muuqatay caro badan, ayaa ka sheekeeyay dhibaatada maamul goboleedyada ay kala kulmaan madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna ka dhawaajiyay in madaxda ay ku mashquulsan yihiin cuuryaaminta dowlad goboleedyada iyo sidii ay kusoo laaban lahaayeen markale.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay meel xun uu gaaray amaanka dalka Soomaaliya, wuxuuna u sababeeyay inaan la fulin balamihii dhanka amaanka iyo heshiisyadii horey loo gaaray.

Madaxweynaha Jubbaland oo hadalka sii wata, ayaa wuxuu sheegay in Jubbaland aysan dhaqaalo ka helin Dowladda Dhexe muddooyinkii ugu dambeeyay, haddana loogu daray dhibaatooyin curyaamin uu ku tilmaamay oo lagu hayo madaxda dowlad goboleedyada.

Golaha Wasiirada Jubaland, Xildhibaanada iyo Ciidamada ayuu sheegay inaysan helin wax mushaaraad ah, maadaama dowladda dhexe dhaqaalihii ay siin jirtay Maamulka Jubbaland aysan siinin.