Washington(INO)- Maleeshiyadan hubeysan oo lagu magacaabo “Three Percent Security Force”ayaa qeyb ka ah kooxaha ku kala firirsan guud ahaan dalka Mareykanka ayaa waxaa ay intooda badan taageeraan xisbiga Jamhuuriga oo isagu u janjeera dhanka dadka caddaanka ah.
Taliyaha kooxda oo lagu magacaabo Chris Hill, laguna naaneysa «Bloodagent»ayaa wacad ku maray in hadii laga guuleysto doorashada Donald Trump ay u dhaqaaqi doonaan caasimadda dalka ee Washington.
” Waa fursaddii ugu dambeysay ee dalkani lagu bad-baadin lahaa. Waxaan soo caddibneyn mudo 8 sano ah oo uu ka maamulayay Obama, waxaana ku siganay in aan waalano. Haddii Hillary naloogu sii daro xaalki ma fiicnaan doono. Waxaan rabaa in aan wax dilo, anna la i dilo”, ayuu yiri Mr. Chris Hill.
Muddooyinkan dambe dalka Mareykanka waxaa ka taagan wal-wal la xiriira in “dagaal sokeeye” uu ka dhasho natiijada doorashadan la filayo in ay dhacdo sideedda bishan aynu ku jirno ee November.
Taliye Hill ayaa hadalkiisa intaa sii raaciyay in ay u diyaargaroobeen maalintan doorashada ee 8-November, waxaana uu sheegay in inta ka sokeysana ay aad usii tababaran doonaan si ay u wajahaan dagaal hadii laga guuleysto.
Si kastaba musharaxa madaxweyne ee xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa isaga qudhiisa kal hore sheegay in uusan aqbali doonin guul-darro.