US: Masuulkii ugu horreeyay ee xukuumadda cusub ee Donald Trump oo xilka iska casilay

0
182

NY(INO) Michael Flynn, la-taliyihii dhinaca amniga ee madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa iska casilay xilka wax ka yar bil kaddib markii lagu eedeeyay in uu xiriir la saneeyay safiirka ruushka u fadhiya dalka Mareykanka.

Mr. Flynn oo qiimeyn kala socotay dhanka Donald Trump ayaa isagu go`aansaday in uu xilka iska casilo ka hor inta uusan eryin madaxweynaha.

Michael Flynn ayaa lagu eedeeyay in in bishii desember ee sannadkii tegay uu safiirka ruushku kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin cunaqabateynta la saaray Ruushka oo uu maamulka Obama hormuudka ka ahaa iyo sidii loo dabcin lahaa, waxaana ay arrintani dhacday ka hor inta aan loo magacaabin jagada lataliyenimo.

Mar uu ka hadlayay istiqaalada uu dhiibay ayuu sheegay in ay ka aqbaleen mdaxweynaha iyo kuxigeenkiisaba, waxaana uu intaa raaciyay in uu raalli-gelin ka bixinayo arrintasi.

Masuulkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee iska casila maamulka cusub ee nadaxweyne Donald Trump kaas oo jira wax ka yar mudo bil ah.