Ururka “Somali Voice” & Musharaxa Madaxweynaha Somalia Jibriil Abdulle oo ka hadley doorka dhalinyarada & arrimaha siyaasada dalka + Sawiro

0
491

Istanbul (INO) – Kulan looga hadlaayay doorka dhalinyarada Soomaaliyeed ku leeyihiin horumarka iyo siyaasada dalka, soona agaamisey Ururka Somali Voice ”  isla markaasna lagu casumey Madaxa Hey’adda Cilmi baarista iyo Wada tashiga ee CRD Mudane Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa laga qabtey Hool weyn oo aad u qurux badan oo ku yaala magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Kulanka oo si gaar ah loogu casumey Madaxa Hay’ada CRD oo in ka badan 15 sano ka shaqeynaayey arrimaha bulshada iyo dib u heshiisiinta, isla markaasna xog-ogaal u ah xaalada guud ee dalka ayaa waxaa ka soo qeyb galey ardeyda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka Turkiga, oo  kala yimid gobolada dalkaasi, jaaliyada Soomaaliyeed ee degan Turkiga iyo weliba ganacsato Soomaaliyeed.

biladsharaf

allstudents1 gabdho1

Madaxa Ururka u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada ee “Somali Voice” Eng. Haashim C/laahi Cabdi, waxna ku bartey dalka Turkiga ayaa waxaa uu ugu horeyntii u mahad celiyey Madaxa Hay’ada CRD Jibriil Ibrahim C/lle ka soo qeybgalkiisa munaasabada lagu weyneynaayey doorka dhalinyarada, sidoo kalena waxuu Eng Haashim ka warbixiyey doorka   muhiimka ah ee ay dhalinyaradu ku leedahay horumarka iyo  maamulka dalka.  ka dibna waxaa hadal dheer oo xaalada guud ee siyaasada iyo arrimaha bulshada ka jeediyey Mudane Jibriil ibrahim Abdulle, isagoo sheegay in la gaary doorkii dhalinyarada ee maamulka dalka. Waxayna ardeydii munaasabadaasi ku sugneyd weydiiyeen su’aalo ku aadanaa xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka iyo doorashooyinka la filaayo in dalka ay ka dhacaan bisha August ee sanadkaan 2016

ardeyda1

jibril3

ardeyda4 jibril1

Gabagabadii kulanka waxaa Madaxa Hayada Cilmibaarista iyo Wadatashiga ee CRD Mudane Jibriil Ibrahin ka gudoomey shahaado sharaf Gudoomiyaha Ururka Somali Voice (Ururka Codka Shacabka Soomaaliyeed) Mr Haashim C/laahi Cabdi , oo sheegay in Mudane Jabriil uu bilad sharaftaasi ku muteestay waqtiga qiimaha leh uu siyay Ardayda iyo Guud ahaan Jaaliyada Soomaliyeed ee Turkiga, sidoo kale si gaar ahuga mahad celiyey kaalintiisa shaqo ee arrimaha bulshada iyo wada tashiga ee ay hay’adiisu ku howlan tahay in ka badan 15 sanadood.

oday1 somaliVoice somaliVoice1 soodhoweyn1

Idale News ONline, Istanbul Turkey.