Ururka ay ku mideysan yihiin ciyaartoyda dunida ee FIFpro ayaa sheegay in Bastian Schweinsteiger lagu handadayo Manchester United.
Schweinsteiger ayaa u muuqda mid laga saaray kooxda koowaad ee Manchester United tan iyo markii uu Jose Mourinho kooxda yimid xagaagan, iyadoo wararka ay sheegayaan in lagu amray inuu tababar la qaato da’ yarta oo uu u guuro qolkooda labiska.
Xiddiga ku guuleystay Koobka Adduunka ayaa ka maqnaa kulankii lagu maamuusayay waayaha ciyaareed ee Wayne Rooney ee arbacadii ka dhacay Old Trafford iyadoo Mourinho uu ciyaartaas isticmaalay 22 ciyaartoy.
Raymond Baard oo ka mid ah FIFpro ayaa u sheegay Sky Sports News in haddii dhacdo sidaan la mid ah ay ka dhici laheyd wadan kale in Mourinho maxkamad lala kori lahaa.
Waxa uu yiri: Schweinsteiger waxa la dhigay xaalad ay Manchester United ku qasbeyso inuu kooxda ka tago.
“Waxaa loo shaqaaleysiiyay inuu shaqo gaar ah qabto, u ogolaada inuu tababar la qaato kooxda koowaad. Tusaale fiican uma ahan sidaan kooxaha kale ee dunida.”
Xubin kale oo ka tirsan FIFpro ahna qareen Slovenia u dhashay Dejan Stefanovic ayaa xitaa soo jeediyay in Mourinho la xiro, isagoo u sheegay shalayto BBC World Service: “Waa handadaad cad. Haddii uu Slovenia joogi lahaa waxaan saarin laheyn maxkamad waxaana ku xukumi laheyn ciqaabta ugu sareysa – seddex sanno oo xarig ah.”