Abuja(INO)— Ugu yaraan 80 ruux ayaa lagu diley magaalada Kukawa ee Waqoyi Bari Nigeria kadib markii ay weerareen dabley hubeysan masaajidyo ay ku tukunayeen dad Muslimiin ah.
Sida ay daabacday Aljazeera tirada dhimashada ayaa laga yaabaa in ay sii kororto iyadoo xilliga uu weerarku dhacayna ahaa maqribnimadii Arbacada.
Maleeshiyaad ka tirsan Boko Haram oo saarnaa toddobo gaari ayaa bilaabay in ay rasaas ku furaan dad u taagnaa Salaad iyadoo ciidamada amnigana ay joogeen meel u jirta halka weerarku ka dhacay illaa iyo 11km.
Weerarkan ayaa yimid maalin kadib markii ay koox ka tirsan Boko Haram ay weerareen tuulo u jirta magaalaa Kukawa 35km ayna halkaas ku dileen 48 ruux.
Saraakiil ku sugan magaalada Kukawa ayaa sidoo kale sheegtay in maleeshiyaadka Boko Haram ay gudaha u galeen guryo ayna halkaa ku dileen haween iyo carruur diyaarinayay afur.
Magaalada Kukawa ayaa 180 km Waqoyi Bari ka xigtaa magaalada Maiduguri oo ah magaalada ugu weyn Waqoyi Bari Nigeria waana halkii lagu aasaasay ururka Boko Haram.
Weerarkan ayaa yimid kadib markii hogaamiyaasha ururka IS ay ugu baaqeen ururada la bahda ah inay kordhiyaan weerarada xilliyada lagu jira bisha Barakaysan ee Ramadan.
Idale News Online, Abuja