Dhageyso: Ururada Haweenka Gobolka Bay iyo Kan Degmada Baydhabo Oo Maanta Deeq Gaarsiiyey Isbitaalka Baydhabo

0
497

Baydhabo(INO)- Ururka haweenka Degmada Baydhabo iyo kan gobolka ayaa maanta deeq waxaa ay gaarsiiyeen isbitalka guud ee magalada Baydhabo kaasi oo ay ku jiraan dadkii Axadii lasoo dhaafay ku dhawacmey qaraxii ka dhacay magaalada Baydhabo ee xaruunta gobolka Bay.

Ururka Haweenka Degmada Baydhabo

 

 

Halkan Ka Dhageyso

Deeqdaan ayaa waxaa ay iskugu jirtey joodarooyin iyo aqabyo kale oo loogu tira galay dadka bukaanada kuwaasi oo lagu wareejiyey maamulka isbitalka oo la dalac dhacayey bahnaninta dadka dhawacyada qabaa ee jiifa goobaha caafimaadka ee isbitalka inkasto dhaawacyada badankooda looqaday magaalada muqdisho ee caasamada wadanka soomaliya halkaasi oo lagu dabiibayo xaladooda caafimaad madaama isbitalkan wax loogu qaban wayey xaladooda.

Hlakan Ka Dhageyso Cododka Muraayo & Xaawo Sakor

Godoomiyaha Uruurka haweenka Gobolka iyo kan Degmada Baydhabo ayaa oo kaashanaya shacabka koonfur galbeed ayaa inka badan 40 joodari iyo Adeegyo kale waxaa ay gaarsiyeen isbitaalka ayagoona ku wareejiyey agaasime ku xigeenka isbitaalka Deeqdii ay ugu takagaleen dadka ku waxyeeloowey qaraxii baydhabo.

Godoomiyaha Ururka haweenka Degmada Baydhabo Xaawo sokor Cali oo wareejinta deeqda ka dib lahadashay warbaahinta ayaa Sheegdey marxaalada ku ka liftey in gurmad ay u sameeyan dadka dhawacyada qaba ayaa waxaa ay sheegtey inay arkeen baahi adag oo ay qabaan dadka ku jira goobaha cafimaadka ayagoona sheegtey in ay ku dedaali doonan wax uqabadka bulshada iyo dhamaan dadkii wax yeelada ka soo gaartey qaraxii baydhabo ka dhacay.

Marwo xaawo sokor Cali ayaa ugu dambeenti Tacsiyo u dirtay Ehladii iyo  qaraabadii ay ka geeriyoodeen dadku ku dhintey qaraxii ka dhacay baydhabo.

Ugu Dambeenti agaasime ku xigeenka isbitaalka Baydhabo oo isna goobta ka hadlay ayaa soodhaweeyey deeqdii maanta uruurka haweenka gobolka iyo kan degmada ay soo gaarsiyeen isbitaalka guud ee magaalada wuxuuna sheegay in xiligan uruurka haweenka ay ka soo baxeen booskii laga rabay.

Uruurka haweenka gobolka Bay iyo kan Degmada baydhabo ayaa loogu bartey wax uqabadka bulshada waxaa tani ay qeeyb ka tahay howlaha ay ugu adeegayaan bulshada gobolka baay iyo deeganada koonfur galbeed soomaliya.

Wariye Maxamed Aadan Socodaal, Warbaahinta 

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here