Maanta oo ay taariikhdu tahay Sabti 16/11/2013 waxaa magaalada Baydhabo kulan ku yeeshay urur dhalinyaro oo ka shaqeeya arrimaha bulshada iyo wacyi galinta dhalinyarada oo lagu magacaabo “Foolka dhigoy Faytaawa ki jerti”. iyo madaxa Jaaliyada Digil & Mirifle ee dalka Australia Dr. Aweys Sheikh Muhiyadiin oo isagu haatan booqasho ku jooga magaaladaasi.
Ugu horeyntii waxaa kulanka ka hadley gudoomiyaha Ururka “Foolka dhigoy Faytaawa ki jerti” Mudane Ibrahim Ahmed Ibrahim,
oo isaga ka warbixiey xaaladda guud ee degaanada Digil iyo Mirifle ee dhanka waxbarashada, Maamulka, Caafimaadka, Nabadgelyada Tamarta, Biyaha iyo Dhibaatooyinka kale ee ka jira Deeegaanka Digil iyo Mirifle iyo sida ugu haboon oo xal loogu heli karo. Madaxa Ururka ayaa sidoo kale xusay kaalinta dhalinyada Ururka ay ku leeyihiin dhismaha maamul goboleedka Koonfur Galbeeed Soomaaliya.
Ka dib Gudoomiyaha Jaaliyada Digil iyo Mirifle ee dalka Australia, Mudane Aweys Sheekh Muhiyaddin oo isaga hadalo kulankaasi ka jeediyey ayaa waxa uu ugu horeyntii aad uga mahadceliyey soo dhaweyntiisa magaalada Baydhabo, waxuuna ururka “Foolkaa Dhigooy Faytaawwi ki Jerti” ku amaaney dadaalkooda ku aadan dhinacyada arrimaha bulshada iyo wacyi galinta. Aweys Sheekh Muhiyadiin Amiin ayaa sidoo kale ka xusay doorka Jaaliyada digil iyo Mirifle ee dalka Australia iyo sida ay isugu xiran yihiin isla markaasna uga qeyb qaataan kaalmada walaalahooda Digil Iyo Mirifle ee gudaha dalka iyo iska warqabkooda. Dr Aweys ayaa ugu dambeytii si gaar ah madaxda ururka ka codsadey in uu xubin sharafeed uga mid noqdo Ururka “Foolkaa Dhagooy faytaa ki jerte”.
Gabagabadi kulanka ayaa waxaa laga soo saarey go’aano ay ka mid ahaayeen:
1. In la sameeyo daraasad ku saabsan dhibaatooyimka iyo xal u helida ama sidii wax loogu qaban lahaa
2. In la horumariyo dhanka waxbarashada, dhaqaalaha, amniga, caafimaadka iyo deegaanka.
3. Isku xirka iyo middaynta qowmiyadda Digil iyo Mirifle ee Dalka iyo Dibadda
Idale News Online Baydhabo, Somalia