Gedo(INO)-Sarkaal ka tirsan Ururka Al Shabaab, ayaa casir liqii galabta lagu dilay weerar xagga cirka ah, oo la rumeysan yahay inay fulisay mid ka mid ah diyaaradaha Drones-ka Mareykanka.
Kolonyo ay la socdeen xubno ka tirsan Shabaabka, ayaa duqeymaha lagula eegtay deegaanka Abaa-huluul, oo 40km u jirta Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.
Abaa-huluul waxay kaloo u dhaxeysaa Degmooyinka Baardheere iyo Diinsoor, waxaana duqeymaha lala eegtay, xilli loo maleynayo in Degmada Baardheere ay ku sii jeedeen.
Sarkaalka la dilay, ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Aadan Garaar. Garaar waxa uu xubin muhiim ah uu ka ahaa Xoogaga Amniyaadka ee Ururka Al Shabaab.
Amniyaadka waxay Shabaabku u qaabilsan yihiin weerarada qorsheysan sida, dilalka abaabulan iyo weerarada qaraxyada loo adeegsado, oo Shabaabku ka wadaan qaybo ka mid ah dalka Somaliya.
Gudoomiyaha Degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo Xasan Muxamed Cali (Xasan Yare), ayaa sheegay in duqeymaha lagu dilay Sarkaalkaasi laga maqlay qaybo badan oo ka mid ah Gobolada Gedo iyo Baay.
Gudoomiyaha waxa uu Aadan Garaar uu ku sheegay xubin fir fircooneyd oo ka tirsan Amniyaadka Ururka Al Shabaab. Waxa kaloo uu sheegay in goobihii la duqeeyay ay gaareen xoogag badan oo Shabaabka ka tirsan.
Weerarada xagga cirka ah ee ka dhacaaya Gobolada Koonfureed Somaliya, ayaa muddooyinkii ugu dambeysay ku soo badanayay, iyadoona lagu dilay rag badan oo Saraakiisha Shabaabka ka tirsanaa.
Idale News Online, Gedo.