UPDATE: Yaa u soo gudbay wareegga Labaad ee Doorashada ?

0
171

Muqdisho(INO)- Waxaa la soo gaba gabeeyay wareegga koowaad ee Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo ka socota xarunta Ciidanka Cirka ee Afasiyooni ee Magaalada Muqdisho.

328 xildhibaan oo ka tirsan Labada Gole ee Dowladda Federaalka ayaa dhiibtay codadkooda, iyagoo u kala codeeyay 21-ka Musharax ee tartamaya.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa hoggaaminaya codadka  la kala helay wareegga koowaad, waxaana uu heestaa 88 cod.

Sidoo kale Saddexda Musharax ee kale ayaa waxa ay kala yihiin Maxamewd C/laahi Maxamed Farmaajo 72 cod, Shariif Sheekh Axmed 49 cod iyo Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo helay 37 cod.

Wareegga Labaad ayaa goor dhow loo gudbi doonaa oo ay u soo gudbeen 4-tan