Dhageyso: Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobey Oo Ku Soo Wajahan Magaalada Muqdisho

0
202

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta kusoo wajahan xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon iyo wafdi la socda.

Halkan Ka Dhageyso

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa hadda ka socda diyaar garowga loogu jiro sidii loo soo dhaweyn lahaa Ban Ki-moon, iyadoo amaanka aad loo adkeeyay.

Shabakada Idale News Online  wararka ay helayso sidoo kale waxay sheegayaan in Moon ay wehlinayaa xubno uu ka mid yahay Gudoomiyaha Bangiga aduunka Jim Yong Kim, iyo saraakiil kale oo Qaramada Midoobay ah.

Waxa uu la kulmi doonaa madaxda dowladda Federaalka ee Soomaaliya, waxaaana socdaalkaan uu noqon doonaa markii Labaad ee Mr Moon uu yimaado magaalada Muqdisho.

moon

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco Idale News Online