Hargeysa(INO)— Wariye C/maalik Muuse Coldoon oo maalmihii la soo dhaafay ku jiray xabsi ku yaal magaalada Hargeysa ayaa maanta lagu wadaa in la soo taago Maxkamad.
Sida ay sheegayaan wararka aanu ka heleyno Hargeysa Wariye Coldoon ayaa Maxkamada Hargeysa hor-imaan doono, iyadoo lagu eedeeyay inuu ku xadgudbay jiritaanka Somaliland iyo inuu ka qeyb galay olole siyaasadeed.
C/maalik Coldoon ayaa todobaad ka hor lagu xiray garoonka diyaaradaha Hargeysa, kaddib markii uu ka tagay magaalada Muqdisho oo uu ku sugnaa markii ay dhaceysay doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.
Wasiirka Warfaafinta Somaliland ayaa dhowaan sheegay in C/maalik Coldoon la soo taagi doono Maxkamad, kaddib markii uu ku eedeeyay inuu ku xadgudbay qaranimada Somaliland, sida uu yiri.
C/maalik Coldoon ayaa ah wariye iyo sama fale ka qeyb qaata u gurmashada iyo caawinta dadka dhibaateysan, isagoo soo gudbiya fariimo la xiriirta dhibaatooyinka nololeed ee heysta dadka dan yarta ah.