Muqdisho(INO)- Waxaa hada bilaabatay tirinta codadka ay dhiibteen xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, maadaama ay soo idlaatay codeynta.
328 xildhibaan oo isugu jira Labada Gole ee Dowladda Federaalka ayaa dhiibtay codadkooda, sida ay xaqiijiyeen Guddiga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.
Guddoomiye Beyle ayaa u yeeray wakiilada Musharaxiinta u qabanaysa codadka ay heleen, si ay ugu tiriyaan. Xoghayaha Baarlamaanka Mudane Buux ayaa furay sanaadiiqda codadka, waxaana bilaabatay tirinta codadka.