Barbaare(INO)- Wararka ka imaanaya Degaanka Xabaal- Barbaare Ee Gobolka Bay ayaa sheegaya in dhimashada uu sababayo xannuunka shuban biyoodka ay sii kordheyso.
Tirada dad Soo Ritey Cudurka Shuban Biyoodka Ee Degaanka Xabaal-Barbaare Ee Gobolka Bay ayaa Maanta Gaartey 123 ruux, kuwaasoo Goobo loo sameeyey ay ka bateen isla markaana la seexiyey Geedaha Hoostooda Ee Degaankaas.
Mid ka mid ah dadka Degaanka Oo la hadlay Shabakada Wararka Idale News Online ayaa sheegay in dad u badan carruur, haween iyo dad da’ ah uu soo ritey xannuunkani.
Dhimashada Cudurka Shuban Biyoodka Ee Degaanka Xabaal Barbaare Ee Gobolka Bay ayaa gaartay Tan iyo markii uu bilaabey ayaa gaareyso 23 qof, waxaana laga cabsi qabaa in dad kale ay u dhintaan haddii aynaan helin gargaar Deg deg ah.
Goob Joogaha ayaa tilmaamay in cudurkani uu fara ba’an ku hayo dadka shacabka ah ee ku nool Xabaal Barbaare iyo Tuulooyin badan.
Waxa uu soo jeediyay in gargaar daawooyin ah la la gaaro Dagaanka si dadka dhimashada qarka u saaran loo badbaadiyo.
Ugu dameyntii, Degaanka Xabaal Barbaare Oo 75 KM kaga Beegan Magaalada Baydhabo dhanka Galbeedka iyo Tuulooyin ku dhow ayaa dhowaan waxaa ka dillaacay cudur shuban biyood ah oo dadka qaar ay xaafadaha ugu dhinteen kadib markii ay heli waayeen kaalmo caafimaad , waxaana Maleeshiyada Al shabaab Ee Mayalka adag ee ka taliso degaankaas ay sameysey teendhooyin oo la dhigay tiro badan isla markaana waxaana halkaas ay geeyeen sida dad degaanka ah ay u sheegeen Idale News Online tiro kalkaaliyaal caafimaad ah, waxaa adag in halkaas la gaarsiyo kaalmooyin bini’adanimo maadama halkaas ka arimiso maleeshiyadan dagaalka adag kula jirto Dowlada Somalia iyo Ciidamada Nabad ilaalin Midowga Afrika Ee AMISOM.
Idale News Online, Barbaare
Wararka Arimaha Bini’aadanimada Ee Somalia