UPDATE: Shirka Maamul U sameynta KG soomaaliya Oo Si Habsami Leh Ugu Socoda Magaalada Baydhabo Janaay

0
228

Waxaa si habsame leh ugu socodaa magaalada baydhaboJanaay Ee Xarunta KG soomaaliya shirka looga yagleelayo dowlad goboleedka Koonfur Galbeed soomaaliya, kaasoo maalintii talaada ee la soo dhaafey uu furey madaxweynaha DF soomaaliya.

Dad ku sugan madasha shirka ayaa u sheegey shabakadda warbaahinta Idale News Online inuu u socodo shirka sidii la rabey, isla markaana aaney jirin wax caqad ah, gudiga fursada KG soomaaliya ayaa wadaa isku daba ridka howlaha guud ee Shirka.

Dhanka kale waxa jira dhaliilo badan ku aadan shirkaasi, aydoona maamulka modoobe nuunow ku tilmaamey ragga ku howlan dhisda maamul ka kooban seddex gobol, kuwa qandaas ku soo qaatey dhulka iyo shacabka lixda gobol waa sida ay hadalka u dhigeena ee.
xasan sheekh
Siyaasiyiin iyo waxgarad ku sugan shirka ayaa sheegaaya in Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirka Cusub ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha Faarax Sheikh C/qaadir ay dadaal ugu jiraan xildhibaan Shariif Xasan Sheikh Aadan oo tan iyo ridistii xukuumadii Saacid Shirdoon ay aad isugu dhowaayeen sidii uu noqon lahaa Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Somalia oo ka kooban Bay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose.

Si kastaba ha ahaate, is qabqabsiga siyaasadeed ee ka taagan KG soomaaliya ayaa soo jiitamaysey tan iyo sanadkii hore, taasoo ka dhalatey khilaaf Hareeyey siyaasiuiinta mug weyn ku leh koonfur galbeed soomaaliya.

Ugu dambeyntii waxaa la filayaa in la doorto madaxweynaha maamulka KG soomaaliya 15 November,ee soo socota.

Xafiiska Wararka Idale News, Baidoa