Baydhabo(INO)- Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ku dhawaaqay dhawaan in uu ku sameyn doono isku shaandheyn golaha Wasiirada maamulka Koonfur Galbeed.
Waxa uu xusay Madaxweyne Shariif Xasan Isku shaandheytaan in looga gol leeyahay horay u socodka maamulka Koonfur Galbeed,madaam uu sheegay in xubno ka tirsan golaha Wasiirada Maamulka Koonfur Galbeed ay waajibkood gudan waayeen qaarkood.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in Qaar ka mid ah Wasiirada maamulka Koonfgur Galbeed ay ku shaqeeyaan Xaalad adag oo dhanka dhaqaalaha iyo sidoo kale Ammaanka ah.
Xukuumadda uu hogaamiyo Madaxweyne Shariif ayaa lagu eedeeyaa in ay ku fashilantay Wax u qabashada dadka kunool degaanada maamulka Koonfir Galbeed , waxaana Wasiiro ka tirsan Koonfur Galbeed ay sheegeen in ay shaqooda ku fashilmeen.