UPDATE: Farmaajo, Xasan Sheekh, Shariif Sheekh Iyo Cumar CCC Sharma’arke Oo U Muuqda Inay Ka Gudbeen Wareegga 1-Aad Ee Doorashadda.

0
167

Muqdisho(INO)- Waxaa la soo gebagebeeyey Wareegii Koowaad ee Doorashadda Madaxweynaha oo haatan ka socota Xeradda Afisiyoone ee magaalladdan Muqdisho.

21- Murashax Madaxweyne ayaana ku loolamaya Tartankaasi oo u muuqda mid aad uga culus Doorashaddii Madaxtinimadda ee sannadkii 2012-kii.

Guddigu waxay weli ku jiraan Tirinta Codadka ee Wareegga 1-aad, waxayna u muuqataa inay Wareegga 2-aad u gudbi doonaan Murashixiin ay ka mid yihiin Maxamed C/llaahi Farmaajo, Xasan Sheekh Maxamuud, Shariif Sheekh Axmed, Cumar C/rashiid iyo C/qaadir Cosoble Cali.

Wareegga 2-aad waxaa u soo gudbi doonaa Afarta Murashax ee ugu dhiubco badan, haddii aan la helin Murashax helay 219-Cod.

La Soco Natiijadda oo dhamaystiran marka ay Guddiga ku dhawaaqaan Insha Allaah.

©Idale News Online, Muqdisho