Muqdisho(INO)- Waxaa maanta si aad ah loo adkeeyay ammaanka Magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarunta ay ka dhaceyso Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.
Ciidanka ammaanka ayaa sugidda amniga u adeegsanaya carro, dhagaxaan, iyo biro, kuwaas oo ay ku jareen dhammaan wadooyinka soo gala Laamiyada, si amniga uu u noqdo mid sugan.
Wadooyinka gala laamiyada ee lagu jaray carada, dhagaxaanta iyo biraha ayaa waxaanan lagu arkeyn Ciidamo, maadaama aanay suuragaleyn in Gawaarida ay ka soo gudbaan wadadaas.
Sidoo kale saakay waxaa si aad ah loo xadiday dhaq dhaqaaqa dadka shacabka ah, waxaana dadka laamiyada qaar ay ku goynayaan iyaga oo koox koox ah.
Shabaab ayaa maalmo ka hor ku hanjabay in Qaraxyo tankooda uu culus yahay ay ka geysan doonaan Magaalada Muqdisho, waxaana si aad ah u feejigan Ciidanka ammaanka.