UPDATE: Al Shabaab Oo Kordhisay Go’doominta Xudur & Xaalad Bini’aadanimo Oo Ka Taagan Degmadaas

0
218

Xudur(INO)- Degmada Xudur Ee Xarunta Gobolka Bakool Waxay  Ka mid Tahay Degmooyinka Godoonka U Saaran Maleeshiyada Mayalka adage ee Al Shabaab.

Al shabaab Ayaa Xirtey Wadooyinkii Soo Galaayey Degmadaas, Iyadoo Taasi Ay Jirto Ayaa Waxaa Sameyn Ku Yeelatey Abaarta Kajirta Degaanada Koonfur Galbeed Somaliya.

Waxaa Sii Yaraaneyaa Biyihii Ceelalka Ay Ku Jireen ,Dadka Ma heystaan Rashiin Ku Filan isla markaana Dad Badan  Ayaa Waxaa Uu Ku Dhacey Cudurka Shuban Biyoodka.

Arintu Hadey Sidaan Ay Ku Sii Socoto Waxaa Laga Yabaa In Ay U Dhintaan Dad Badan Xaaladahaasi ’ sidaa Waxaa Yiri Gudoomiyaha Degmada Xudur Maxamed Macalin Axmed Xili Uu Lahadlaayey Idale News Online.

Dhanka Kale Gudoomiyaha Ayaa Waxaa Uu Sheegey In Degmada Xudur Ay Kow Tahay Degmooyinka Maanta U Baahan In Gar gaar Lala Soo Gaaro Madaama Degmada Ay Ku Soo Jabeen Dad Aad U Tira Badan Oo Ka kal Yimid Degmada Tiyeeglow Iyo Qaar Kale Oo Kayimid Degaanada Ku Soo Dhow Degmada Xudur.

Gudoomiyaha Ayaa Waxaa Uu Sheegey In ay Jiraan Rashiin Lasoo Gaarsiyey Dadka Ku Nool Degmada Xudur Oo Ka yimid Dowlada Federaalka Ee Somalia Iyo KGS Lakiin Ay san Ku Filneen.

Ugu Dambeyntii Gudoomiyaha Degmada Xudur Mmaxamed Macali Axmed Ayaa Waxaa Uu Baaq U direy Dowlada Fs Dowlada Gobleedka KGS Iyo Hay’adaha Gar Gaarka Bixiya Waxaa Uu Sheegey In Si Deg Deg Ah Wax Lala Soo Gaaro Dadka Ku Dhibaateysan Degmada Xudur Kuwaasoo Heysta Dhibaatooyin Kala Duwan.

Wariye Sidi Cali Muuse, Idale News Online, Xudur