Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa tilmaantay saddex deegaan oo ka mid ah dalka Soomaaliya oo dib loogu celinayo qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Kenya.
UNHCR ayaa la saxiixatay heshiis labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya Nov 10 in nus malyan qaxooti Soomalai ah oo ku nool dalka Kenya in dib loogu soo celiyo wadankooda saddexda sano ee soo socota.
Ku xigeenka wakiilka UNHCR ee dalka Kenya Abel Mbilinyi ayaa ka sheegay shir jaraa’id in ay kala shaqeynayaan dowlada Soomaaliyeed deegaanada nabada ah ee dib loogu celin karo qaxootiga.
“Hadda, waxaan fiirinaynaa saddex meel, Luuq,Baydhabo iyo qeybo ka mid ah Kismaayo halkaa oo aan dooneyno in aan ka bilowno dadka doonayo in wadankooda ku laabtaan.”
Deegaanadan ayaa waxaa hore u maamuli jiray ururka Alshabaab balse waxaa hadda gacanta ku haya ciidamada Soomaaliyeed oo gacan ka helaya ciidamada nabad ilalaalinta Afrika.
Mbilinyi waxa uu intaa ku daray in UNHCR ay darseyso amaanka deegaanada dib loogu celinayo qaxootiga iyadoo la kaashanayso ururo wadani ah oo deegaanadaa ka howlgala. Xarumo dadka lagu soo dhoweeyo ayaa laga dhisi doonaa deegaanadaa halkaa oo dadka ku laabanaya ay ka heli karaan cunto,waxyaabaha muhiimka u ah guriga iyo agab kale oo ay dib ugu dhisi karaan noloshooda.
Xerada qaxootiga ah ee Dhadhaab waa xerada ay ku nool yihiin qaxootiga ugu badan ee caalamka waxaana ku nool 388.000 oo Soomaali ah,waxayna UNHCR sheegtay in xerada Kakuma ay ku noosahay 54.000 oo Soomali ah halka magaalada Nairobi ay ku nool yihiin 32,500.
Xafiisyo lagu caawinayo dadka doonaya in ay dib ugu laabtaan dalkooda ayaa laga furay xerada Dhadhaab iyadoo la qrosheeyay in xarumo kalana laga furi doono xerada Kakuma iyo magaalada Nairobi.
Idale News Online