UNHCR Oo Dalbatay Dhaqaalo Dib Loogu Soo Celiyo Qaxootiga Soomaaliyeed

0
326

Nairobi ( INO)-Madaxa Laanta Qaxootiga Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa dalalka deeqaha bixiya iyo beesha Caalamka ugu baaqay in ay bixiyaan taageero dhaqaalo oo dheeraad ah si dalkooda dib loogu celiyo Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira Xeryaha  Dhadhaab.

Madaxa UNHCR ayaa sheegay in dadkaas Soomaliyeed markii dib dalkooda Hooyo loogu celiyo ay u baahan yihiin adeegyo badan sida Waxbarashada, Goobo Caafimaad iyo weliba in loo abuuro shaqooyin iyo Mashaariic kale.

UNHCR ayaa sheegtay in Kenya ay kala hadleen in Qaxootiga qaab Nabad Gelyo ah iyo weliba si beni’aadanimo ku jirta loogu celiyo dalkooda Hooyo.

Sidoo kale UNHCR ayaa xustay in ay jiraan Soomaali badan oo diyaar u ah in dalkooda Hooyo ay dib ugu laabtaan haatanna ku nool xeryaha Qaxootiga.

Hase ahaatee waxaa UNHCR ay walaac ka muujisay in dadkaasi ay saameyn ku yeelan karaan dhibaatada amni ee ka jira dalka.

Idale News Online, Nairobi