Q.M. ayaa shaaca ka qaadday in Soomaaliya ay gebi ahaanba ka gudubtay KMG-nimadi islamarkaana ay si rasmi ah u yeelatay Dowlad Qaran oo dhameystiran ah.
Hadal qoraal ah oo ka soo baxay wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Agostin Mahiga ayaa loogu hambalyeeyay madaxweynaha J.F.Soomaaliya oo shalay si buuxda ula wareegay xilkiisa.
Mahiiga ayaa ka dhawaajiyay in Soomaaliya ay ka baxday xilligii KMG isla markaana ay yeelatay dowlad rasmi ah oo la aqoonsanyahay.
Mahiiga wuxuu xusay in xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu sii shaqeyndoono, isagoo madaxweynaha J.F.Soomaaliya ka taageeridoona dhinacyada ammaanka iyo xasilinta deegaannaada lagala wareegay shabaab iyo nidaamka caddaaladda.
Hadalkan ka soo baxay wakiilka Q.M. u qaabilsan Soomaaliya ayaa imaanaya xilli maanlintii shalay uu madaxweynaha J.F.Somaaliya uu si buuxda xilkiisa ula wareegay kadib xaflad caleema saar iyo xilwareejin aheyd oo ka dhaqcday Muqdisho.
idale News Muqdisho