London (INO)-Dowladda Britain ayaa wada qorshe ku aadan kulamo looga hadli doono arimaha amaanka Dalka Soomaaliya in lagu qabto Bisha May gudaha Magaalada London ee Dalka Britain.
Danjiraha Dowladda Britain, Nicklos Kay ayaa waxuu sheegay in Shirka ay marti gelin doonto Dowladda Britain sidoo kale looga hadli doono wax ka qabashada abaaraha baahsan ee ka taagan qeybo ka mid ah Gobolada Dalka Soomaaliya.
Waxuu sheegay in kulaankaasi lagu faaqidi doono wax waliba oo u baahan wax ka qabasho, isagoona intaasi ku daray in haatan uu walaac xoogan ka muujinayo abaaraha.
Danjire Nicklos Kay ayaa waxuu cod dheer ku sheegay in abaaraha haatan jira ay u muuqdaan kuwii Soomaaliya ku dhuftay Sanadii 2010 ilaa iyo 2011-kii, taasi sababtay dhimashada dad badan.
Mr. Nicklos Kay ayaa tilmaamay in Boqolaal Ruux ay u dhinteen gaajo iyo haraad, kuwa kalena ay hadda qarka u saaran yihiin geeri, waxuuna ku tilmaamay wax laga argagaxo, isagoo ku baaqay wax qabad deg deg ah in la sameeyo.
Hadalka Danjiraha Britain ayaa waxuu imaanayaa xili Abaaro Dadka iyo Duunyada saameeyay ay ku dhufteen Degaano iyo Degmooyin dhaca Koonfurta iyo Bartamaha Dalka Soomaaliya.