Kampala(INO)- Taliyaha ciidamada Difaaca dalka Uganda ayaa Baarlamaanka dalkaasi wuxuu ka hor sheegay inuu jiro Khilaaf u dhaxeeya Dowladda Uganda iyo Qaramada Midoobay, khilaafkasi oo suuragal ah buu yiri ugu dambeyn in ciidanka Uganda Somaliya laga saaro.
Katumba Wamala Taliyaha ciidamada Difaaca dalka Uganda, waxa uu sheegay Khilaafka jira inuu salka ku haayo Diyaarado ay leeyihiin dalka Uganda oo Somaliya ku bur buray, xilli howlo shaqo ay u hayeen Qaramada Midoobay.
Wuxuu tilmaamay Qaramada Midoobay inaysan ilaa hada bixin magdhawka ku aadan Diyaaradahaasi bur buray iyo dadkii la socday.
Katumba waxaa uu yiri “Waxaan rabaa maanta in aan idin siiyo warbixin,sababtoo ah waxaan heynaa sabab muhiim ah,waxaana ay tahay Diyaaradaheenna waxa ay u shaqeynayeen Qaramada Midoobay,waxaa ay ku bur bureen agagaarka halkii uu ku wajahnaa howlgalka,uma socon meel kale oo halkaas ayey ku bur bureen,haddii aanay xaqooda helin dadkeennii naftooda ku waayay halkaas,ehelkoodii iyo Dadka Uganda ,haddii Dadkii aan intaas u qabannay aysan na dhiirro gelin sideen ugu dhiirraneynaa Waddan kale,sidan oo kalena ay Uganda kaligeed ku noqoneyso.”
Katumba ayaa sheegay hadii xaalka sidaan uu sii ahaado oo Qaramada Midoobay aysan bixin Dhaqaalahaasi Magdhawga ah inaysan jirin sabab ay uga sii shaqeeyaan Somaliya, islamarkaana uga mid ahaadaan ciidamada Amisom.
“Haddii aan sii wadno howlgal noocan ah sidee ayaan ku wadi karnaa,aaway qarashkii iyo lacagtii lagu dhaqaajin lahaa,haddaan la helin waa khatar lagumana dhiiran karo,haddii ay sii socoto in aan kharashaadka la bixinna waxaa ay nagu riixi doontaa in aan la baxno Ciidankeenna ku jira Amisom.” Ayuu yiri Wamala
Khilaafkaan cusub ee soo shaac baxay ayaa saameyn ku yeelanaya howlgalka Midowga Afrika ee Somaliya, maadaama shaqooyinka ugu badan ee Amisom ay qabtaan ciidanka Uganda ka socda.