Kampala (INO) – Dowlada Uganda ayaa Ciidamo cusub usoo Direysa Soomaaliya, kuwaasi oo qeyb ka Noqonaya Howlgalka AMISOM ee ka soconaya dalka Soomaaliya tan iyo Sanadkii 2007-dii.
Askarta oo ka koobnaan doonta 17 kun oo Askari ayaa la sheegayaa inay imaan doonaan dalka Soomaaliya iyadoo Qaarkood imaan doonaan Magaalada Muqdisho si ay kaga Hortagaan Weerarada Al-shabaab ay ka Geystaan Caasimada.
Askarta ayaa Qaadatay Tababar ku Saabtay Ciidannimada oo soconayay muddo Shan Bilood ah kaasi oo ka Dhacay Bartamaha dalka Uganda, waxaana la Qorsheynayaa inay kusoo Biiraan Ciidanka jooga Magaalada Muqdisho.
Korneyl Silvio Aguma, waxaa uu sheegay in Ujeedku yahay in Amaanka Caasimadda iyo Gobollada ku dhow Dhismihiisa ay Kaalin Muuqata ka qaataan.
1,000 Askari oo dheeraad ah ayaa la sheegay in ay ka Koobnaan doonaan Ciidanka kale ee Imaanaya Somalia kana socda Uganda.
Idale News Online – Muqdisho