Muqdisho(INO)-Ugaas Axmed Ugaas Sayid Cali oo ka mid ah Ugaasyada Gobolka Shabeelaha Hoose oo la hadlay oo warbaahinta ayaa ka hadlay Wafdi ka socda Dowlada Koonfur Galbeed oo ku sugan deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.
Waxauu ku dhaliilay Wafdigaasi iney waxbo ka qaban deegaanada ay ku sugan yihin iyo qorshaha ay u tagaan halkaasi, waxa uuna xusay in muddo labo isbuuca ay ku sugan yihiin.
Ugaas Axmed ayaa sidoo kale sheegay in Wafdigaasi ay Carqalad ku yihiin wada hadalada lagu heshiisiinaya Beelaha dega Gobolka isla markaana uu ka codsanayo iney dib ugu laabtaan Gobolka maadaama sida uu tilmaamay aysan qorshe cad ka heyn gobolka.
Dhawaan ayay ahayd markii Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Koonfur Galbeed ay gaareen deegano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.isla markaana ay ilaa hada ku sugan yihiin, waxayna kulamo la qaadanayaan Shacabka ku nool deegaanadaasi.
Idale News Online, Muqdisho.
Home Idale Somali News Update Ugaas Axmed oo dhaliilay Wafdi ka socday Dowlada KGS ee gaaray Shabellaha...