Turkiga oo Xilkii ka qaaday Siyaasi Somaliyeed

0
221

Olgan Beker oo aha Safiirkii Dowlada Turkiga ee Soomaaliya ayaa la bedelay, iyadoo Xukuumadda Ankara ay soo magacowday Safiir cusub.

Ilo ku dhow Safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa inoo xaqiijiyay in danjiraha cusub uu madaxa ka ahaa Hay’adda TIKA ee Turkiga.

Munaasibadda Sagootinta ah ee Olgan Beker ayaa ka dhaceysa Muqdisho 29ka Bishan,iyada oo Ninka beddelanaya uu haddaba ku suganyahay Muqdisho.

Munaasibadda ayaa waxaa ka qeybgalaya xubno muhiim ah oo ka kala socda dowladda Federaalka ah,Danjirayaal, Ganacsatada iyo Ururrada Bulshada rayidka ah.

Mr Olgan Beker ayaa Soomaaliya loo soo magacaabay Bishii June ee sanadkii 2014kii, wuxuuna saaxiib dhow la ahaa Madaxda Dalka, isagoona galaangal siyaasadeed kulahaa xiisadaha taagan.

Share this: