Istanbul(INO)– Xukuumada Turkiga ayaa shaacisay in muddo 3 bilood oo dheeraad ah ku dartay xaalada deg degta ee wadankaasi lagu soo rogay. Waxaa warkan ku dhawaaqay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Numan Kurtulmus.
Dowlada Tayyib Erdogan ayaa bishii Luulyo ee sanadkan xaalad deg deg ah ku soo rogtay dalkaasi kadib Inqilaabkii fashilmay oo ay isku dayeen qaar ka mid ah Militariga wadankaasi.
Afgembigii dhicisoobay ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraya 300 isla markaana ku dhaawacmeen in ka badan 2000 qof.
Xaalada Deg degta ah ee lagu soo rogay wadanka Turkiga ayaa Xukuumada iyo hay’adaha amniga awoodo dheeraad ah u siinaya inay xiraan dadka ay ku tuhunsan yihiin inay khatar ku yihiin amniga iyadoo sidoo kale dowlada ay muddo dheer xabsiga ku hayn karto dadka la tuhunsan yahay iyadoo aan maxkamad lasoo taagin.
Waxaa weli wadanka Turkiga ka socda xariga lala beegsanayo xubnaha la tuhunsan yahay inay xiriirka la lahaayeen wadaadka Fethullah Gulen oo ku nool dalka Mareykanka.
Booliska la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada, ayaa Xabsiga dhigay nin la dhashay Wadaadka lagu eedeynaayo inuu maleegay Afgambiga Fashilmay ee Turkiga.
Dowladda Turkiga ayaa wixii ka dambeeyay markii uu dhicisoobay afgambigaaasi waxa ay qaadeen tallaabooyin dhowr ah oo lagu xiray, sidoo kalena shaqada looga ceyriyay Saraakiil badan oo Turki ah.