Istanbul(INO)- Wakaalada Wararka ee Turkiga ayaa sheegtay in Ciidamada la dagaalanka Argagixisada ay gacanta ku dhigeen 3 ruux oo labo ka mid ah ay ahaayeen ajaaniib, kuwaasoo looga shakisanaa inay qorsheynayeen weeraro cusub oo ay ka geystaan magaalada Istanbul.
10 qof oo kale ayaa lagu qabtay koofurta Turkiga, xilli ay doonayeen inay ka soo gudbaan xuduuda Turkiga uu la wadaago Suuriya.
Mid ka mid ah dadka la qabtay ayaa watay jaakadaha ku xiran waxyaabaha qarxa, kaasoo doonayay inuu fuliyo weerar.
Wakaalada Wararka Anadolu ayaa sheegtay in howl galada Ciidamada ammaanka sameeyeen lagu bartilmaameedsaday saddex goob oo kala duwan oo ku yaala magaalada Istanbul.
Howl galkan ayaa ka dambeeyay markii xogo is weydaarsadeen Sirdoonada Turkiga iyo Jarmalka, waxaana ragga uu mid ka mid ah uu ahaa muwaadin Turkish ah, halka labada kalena ay u dhasheen Ciraaq iyo Suuriya.
Xarigan ayaa ku soo beegmaya, afar maalmood kadib markii weerar is qarxin ah lagu qaaday magaalada Istanbul, kaasoo ay ku dhinteen illaa 10-ruux.
Turkiga ayaa ku eedeeyay in qaraxaas ka dambeeyeen Kooxda IS, isla markaana ruuxii weerarkas fuliyay uu dhowaan qaxooti ahaan isku diiwaan geliyay.
Idale News Online, Ankara