Turkiga oo Markab shixnad gargaar sida u soo diray Dalka Soomaaliya

0
307

Ankara(INO)— Dowladda Turkiga ayaa shaacisay in Soomaaliya u soo dirtay Markab sida shixnad gargaar ah oo loogu tala galay shacabka Soomaaliyeed.

War ka soo baxay Hey’adda Musiibooyinka deg dega ee Turkiga ayaa lagu sheegay in shixnad dhan 11,000 oo Tan ay u soo dirtay Soomaaliya, si loo caawiyo shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateysan.

Fuad Oktay oo ah Guddoomiyaha Hey’adda Musiibooyinka Turkiga ayaa sheegay in shixnadan ay tahay mid loogu tala galay shacabka Soomaaliyeed ee saameeyay abaarihii ku dhiftay qeybo ka mid ah gobolada dalka.

“Shixnadaan waxaa loogu talagay in lagu gargaaro dadka Soomaaliyeed ee dhibaato ku heysato dalk aano waalaha nahay ee Soomaaliya,waa muhiim inaan caawinaa hooyooyinka Soomaaliyeeed” ayuu yiri Fuat Oktay.

Turkiga ayaa horay kaalmo bani’aadanimo u gaarsiiyay Soomaaliya, waxaana uu ahaa dalkii u horeeyay ee soo gurmaday, markii abaarihii iyo macluusha ka dilaaceen Soomaaliya sanadkii 2011.

 Idale News Online, Ankara