Istanbul(INO)-Dowlada Turkiga ayaa ku dhawaaqday in ay kordhineyso maalgelinta ay ku sameyso Soomaaliya isla markaana ay sare u qaadi doonto xiriirka xaga ganacsiga ee kala dhaxeeya Soomaaliya.
Hadalkaan ayaa waxaa ka jeediyey madasha Shirka heerka caalami ee looga hadlaayo Soomaaliya ee ka socda magaalada Istanbul, Ra’isulwasaare ku xigeenka Turkiga Lutfi Elvan.
“Maalgelinta uu Turkiga ku sameeyey Soomaaliya waxay gaartay ilaa iyo $100 million. Tiradaas waa iska biloow. Waxaan aaminsanahay si kal iyo laab ah horumarka Soomaaliya, waxaan go,aansannay inaan si wadajir ah u garab istaagno Soomaliya iyo dadka Soomaaliyeed’’ ayuu yiri Ra’isulwasaare ku xigeenka dalka Turkiga.
Mr. Lutfi ayaa ugu baaqay kuna dhiirigeliyey ganacsatada iyo halabuurayaasha shaqada ee raba in ay maal gashadaan Soomaaliya in ay maalgelin ku sameystaan dhinacyada kalluumeysiga, dhimooyinka iyo beeraha.
Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Ali Sharmaarke oo ka hadlay shirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay soo dhaweyneyso maalgashadayaasha, isaga oo intaasi ku daray in dalka uu leeyahay kheyraad ku filan oo soo jiidan karo aduunyada.
Xiriirka gancsiga iyo maalgashiga Turkiga ee qaarada Africa ayaa gaaray sanadka 2015-ki lacag dhan $19.4 billion oo doollar halka sanadki 2000 uu ahaa 4 billyan oo doolar.
Sida ay sheegeen saraakiisha Turkiga, waxay Soomaaliya u doofisay sanadki 2015-ki alaabo kala duwan oo lacagtoodu gaareyso $71 million.