Transparency International: “Somalia Waa Dalka Ugu Horeeya Musuq-maasuqa Dunida”

0
367

Berlin, (INO) — Warbixin Cusub oo ay soo saartay Hay’adda Transparency International ayaa lagu sheegay in dalka Soomaaliya markale Hogaanka u qabtay dalalka ugu Musuq-maasuqa badan Caalamka.

Teaser Image Transparency International: Somalia waa Dalka ugu horeeya Musuq-maasuqa Dunida

Hay’adda Transparency International ee fadhigeedu yahay Germany,  ayaa Soomaaliya ku tilmaantay dal ku caan-baxay Dilkii Askrta Mareykanka, Diyaaradihii lagu soo riday Muqdisho ee Blackhawk Down, Burcad-badeed & Qabiil ku loolamaya Awooda.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Soomaaliya aanan ka jirin Dowlad xoogan, oo Isla-xisaabtan ku dhisan, islamarkaana ay Hogaamiyaasheeda yihiin kuwa lunsada Dhaqaalaha uu Caalamka ugu deeqo Soomaaliya.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya & Dowladihii ka horeeyay ee KMG ahaa ayaa lagu eedeeyay inay sameeyeen Musuq-Maasuq Maaliyadeed & ku tagri-fal dhanka awoodda ah.

Caalamka wuxuu Soomaaliya siiyay Labadii Sano, ee ugu danbeeyay Balaayiin doolar, oo illaa hadda la ogeyn Meel ay ku baxeen, iyadoo Ciidanka aan Mushaar laga siin, Wadooyinka, Iskuuladda lagu dhisin & Amniga oo aan lagu sugin.

Idale NewsOnline – Barlin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here