Waajid(INO)-Salaad Maxamed Ibraahim oo ah guddoomiyaha degmada Waajid Ee Gobolka Bakool ayaa Warbaahinta u sheegey in ciidamo dowladda iyo kuwa AMISOM oo ka baxay magaalada Waajid oo kusii jeedey deegaanka Rab Dhuure ay dhexda u galeen dagaalyahano ka tirsan Alshabaab.
Halkaasi ayuu sheegey in uu ka dhashay dagaal culus, wuxuuna sheegtey in ay dagaalka Alshabaab kaga dileen illaa iyo dhawr iyo tobon qof.Dhinaca Alshabaab ma jiraan wax war ah oo dagaalkani ku aaddan oo kasoo baxay.
Guddoomiyaha ayaa dhankiisa meesha ka saaray in ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ka socda toona ay waxyeelo kasoo gaartay dagaalka. Dagaalo joogto ah ayaa gobolka Bakool ku dhexmara ciidamadda dowladda iyo kuwa Alshabaab.
Idale News Online, Waajid