Muqdisho (INO) – Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho waxaa hadda ku sugan Laba diyaaradood oo Qaadaya Dadkii ku dhaawacmay Qaraxyadii Hotel-ka Central ee Muqdisho.
Wasiirrada Caafimaadka iyo Arrimaha Dibadda oo Wariyeyaasha kula Hadlay Garoonka ayaa sheegay in Dowladda Imaaraadka Carabta “UAE” ay Ballan qaadday in dadkan ay Dalkeeda Caafimaad ugu qaadeyso hadana ay soo Dirtay Laba Diyaaradood oo qaadeysa in ka Badan 15 ka mid ah dadka Dhaawacyadoodu liitaan si Halkaas loogu soo Daweeyo.
Dadka Dhaawacyadooda Dibadda loo qaadayo waxaa ay u Badanyihiin dadkii DFS uga dhaawacmay Weerarkaas, Halka qaarkoodna ay yihiin dad Shacab ah oo Xilliga ay Qaraxyadu dhaceen ku Dukanayey Masaajidka Qaraxyadu ka Billowdeen ee Hotel-ka ku dhexyaalla.
Lasoco Faafaahinta iyo Codadka Mas’uuliyiinta Goordhow.
Idale News Online – Muqdisho