Baydhabo(INO)-Shir maanta ka dhacay magaalada Baydhabo oo xarun u ah gobolka Bay ayaa lagu shaaciyay tirada xildhibaanada maamulka Koonfur galbeed iyo sida seddaxda gobol loogu qeybiyey.
Tirada guud ee xildhibaanada Koonfur galbeed ayaa lagu sheegay 95 xildhibaan, halka gobolada Baay iyo Bakoo oo wadajira la isku siiyey 59 xubnood, gobolka Shabeelada Hoose oo kaliyana loo qoondeeyay 36 xubnood,
Toban (10) ka mid ah tirada loo qoondeeyay Shabeelada Hoose ayaa la sheegay in Shariif Xasan qaybin doono. taasoo laga cabsi qabo ama beelaha gobolka Shabeelaha hoose degan ay cabsi ka muujinayaan in Madaxweyne Shariif Xasan uu 10 xildhibaan siiyo beelo aan deegaanka ka soo jeedin oo hase ahaatee awood military ku jooga gobolka.
Sidoo kale, Ilaa iyo hadda lama sheegin sida xubnaha ka soo jeeda gobolada Bay iyo Bakool u kala leeyihiin tirada 59 xubnood ee la isugu darey.