Tirada dhimashada iyo dhaawaca ee Turkiga oo la shaaciyay

0
365

Ankara(INO)Waxaa warar dheeraad ah ay ka soo baxayaan afgambigii dhicisoobay ee ka dhacay Dalka Turkiga, waxaana soo baxaya Warar lagu shaacinayo tirada dhimashada, iyo dhaawaca.

Inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay afgambiga dhicisoobay ku dhawaad 100 qof, waxaa ku dhaawacmay 1154 oo qof.

Sidoo kale waxaa la shaaciyay in 1500 oo ka mid ah Millatariga dalka Turkiga in Xabsiga loo taxaabay, isla markaana ay ku socdaan baaritaano.

Madaxda Wadamada Caalamka ayaa si isku mid ah u Cambaareeyay afgambiga lala damacsanaa Dalka Turkiga iyo in talada dalka lagala Wareego Madaxweyne Ordogan.